Su'aalo iyo jawaabo

Su'aalo iyo jawaabo

Waxaan maqaalkaan kusoo gudbin donnaa waydiimo ( su'aalo) ku saabsan guurka iyo axkaantiisa waana maqaalkii 1aad .

Waxaan ooga jawaabi donaa SI faah-faahsan oon dhinac walboo aan  ka istaagi doono su'aasha iyo xukunka ka dhalanaayo , annakoo raacayno jawaabaha ay ka bixiyeen culumada islaamka .

Guurgu waa mid ka mid ah axkaanta diinteena islaamka , waana shay uu qof walboo ka dharagsan yahay xukunkiisa iyo fadliga uu lee yahay , in badan ayuu nabigu ( naxariis iyo nabad galyoo korkiisa ha ahaatee ) nagu booriyay waan sunnihiisa , waxaana waajib nagu ah in aan raacno sunnihiisa .

Inta aanan bilaabin su'aasha 1aad waxaad noogu reebi kartaa wixii su'aal ah qaybta faalada ( comment ).

Maguurin karaa wiilka hooyadiis ?

Su'aasha 1aad:
S. Maguurin karaa wiilka hooyadiii ?
J . Mas'aladdaan waa mid ka mid ah kuwa aysan somaalidu dhaqanka ulahayn , oo ceebta agtooda ka ah .

Balsee Marka aan si cilmiyaysan ugalnoo on fiirinoo jawaabaha culumada islaamka ay ka bixiyeen arintaan  ayaad ogaanaysaa xukunka mas'allada iyo daliilkeeda ay udaliishadeen culumada ka hadashay mas 'alladaan .

Qaybta 1aad :
Mad-habka maalikiyada , ubuu xaniifah , xanaabiladda  iyo in badan oo culumadii salafka  ka mid ah waxaa ay lee yihiin waa ay banan tahay in wiilka hooyadii uu guuriyoo walina unoqdoo .

Maxay dalii shadeen ?
1aad : Waxaa ay daliishadeen hadalkii nabiga uu ku yirii wilkii umu Salah ee ahaa guuri hooyadaa , balsee waxaa la xaqiijiyay in xadiisku daciif yahay .
2aad : waxaa kaloo ay daliilsadeen arin tacliil ah oo galayso dhaxalka iyo axkaantiisa , waxaa la og yahay in wiilku ka awood badan yahay dhammaan dadka wax dhaxla xitaa aabaha waa uu ka awood badan yahay Marka lafiiriyoo qaadshada dhaxalka iyo saamayn uu ku lee yahay dadka wax dhaxlaayo. 

Qaybta 2aad :
Mad-habka shaaficiyada waxaa uu qabaa in uusa. Guuri  Karin wiilka hoooyadii ayna xaarantahay , balsee waxaa uu kasoo reebay hadii ay wiilka iyo hooyadii wadaagaan qaraabo iyo nasab ka baxsan waalid nimada iyo dhalmada ay dhashay .

Gunaanad: mas'allada waa khilaafiyah waana mas'allo aan Soo sheegnay afkaarta ay culumaduu ka qabtoo iyo daliilkooda in tuba , laakin hadii aan rajaxnoo ( Eebbe ayaa garanaayee ) waa ay banaan tahay oo wax daliil ah oo diidaayo majoroo .

Fg: Si loo ilaaliyoo midnimada ummada iyo wadajirkeeda waxaa haboon in aan la qilaafin mad-habka ay umada somaaliyeed haysatoo OO ah mad-habka imaamu shaaficii sagana lagu dhaqmoo , waana Soo sheegnay waxa uu ka qaboo mas'allada iyo xukunka uu saaray  .

Su'aasha 2aad:

S. Ma wadaagi karaan jinka iyo insiga guur ?
J .  Waa su'aal muhiim ah waxaa ayna kaid tahay su'aalaha oogu badan ee la waydiiyo culumada iyadoo qaabab kala duwan loo waydiiyo , balsee waa isku ujeedo .
Inta aanan ugudo galin ka jawaabidda su'aasha waxaa rabaa in aan iftiimiyoo shay xiriir la leh  arrintaan .
Jinka iyo insiga wax yaalo badan ayay ku kala duwan yihiin sida :
Abuurka , dabeecada , baahida , shaqada , awooda , iyo waxyaalo badan oo kalee .
Hadabo hadii intaa aysan ka sinayn ma wadaagi karaan nolal guurkuna waa noolal , naxariis iyo Kal gacayl .

Marka aan usoo gudboo su'aasha dulucdeeda ma dhici kartoo in ay is guursadaan jinka iyo insiga , sidoo kalee ma dhici kartoo in ay wax isu dhallaan .

Fg: waxaa inta badan culumada la waydiiyaa mas'allo xiriir la he midaan OO ah in ay ka dhex dhacdoo galmo jinka iyo insiga , iyadoo ku imaanaysoo qaabab kala duwan sida : hurdada ama Soo jeedka   waxaa intaa dheer oo ay sheegaan dadka ay arrintaan qabsatay in ay dareemaan Marka ay howshu socotoo ama jinku arintaan fulinaayo .
Sida ay culumadu sheegeen oo ku cad jawaabahooda ay ka bixiyeen mas'alladaan waa in uusa. Qofku danbi kulaahayn arintaan waxaa ayna u badan taahy in uu qasban yahay qofku ,  Markaa ama lab  ha ahaado ama dhadig .


          Allah ayaa waafajinta iska leh asagaana xaqqa yiraahda sidoo kalee asagaana waddada ku hanuuniyoo. 

وبالله التوفيق _ والله يقول الحق وهو يهدي السبيل

Previous Post Next Post