Aqoonta Islaamka waa nolosha mu'mininta (dadka Muslimiinta) ku na dhaqmo diinta islaamka .
Waxaana qof walboo Muslim ah waa jib ku ah in uu ilaaliyoo afar shay oo waajib ah :
Waa mid ka mid ah xagga macluumaadka, sharciyada, iyo aqoonta diineed. Aqoonta Islaamka waxay ka kooban tahay:
Allah : waa in uu qofku ilaaliyoo xaqa Allah .
Nabiga : waa in uu ilaaliyoo xaqa nabiga (sallallahu alayhi wa sallam).
Aqoon : Waa in uu aqoon uyeeshaa labadaas ariimood een horay kusoo xusnay .
Faafinta diinta : waa in uu faafiyaa diinta dadkana gaarsiiyaa .
Maxaa waa jib ku ah qofka muslinka ah in uu aqoon u yeesho :
1. Tawhid: in uu Aqoon uyeesho inuu Eebbe yahay midka kali ah ee mudan cibaadada iyo raali galinta dhabta ah , waa in uu aqoon u yeshaa sidoo kalee xaqa Allah lee yahay ee ah in kaligii lacaabdudoo cibaado baraxtiran ( aan shirki la hayn ) , in Allah loo rumeeyo timaamihiisa iyo dhammaan magacyadiisa wan wanaagsan ee ku yimid qur'aanka iyo sunnaha nabiga (sallallahu alayhi wa sallam ) iyadoo laraacaayo wadadii saxaabada iyo culumadii rabaaniyiinta ahaa ee taabiciinta , lagana fogaanaayo dhammaan wax walboo qilaafsan wadadoooda iyo wadadii nabiga (sallallahu alayhi wa sallam) .
2. Risalada :Aqoonta inuu Muhammad, sallallahu alayhi wa sallam, yahay Rasuulka Eebbe iyo in uu yahay Nabigii oogu danbeeyay nabiyada Allah Soo diray ee risaalada loo Soo dhiibay , hadabo qodobkaan waa mid ka muhiimsan qodab walbo oo dhan , waayo hadii uusan qofku qirsanayn risaalada nabaiga ( sallallahu alayhi wa sallam ) ma ahan mid Muslim ah , lagumana tilmaami karoo in uu yahay Muslim ilaa inta Laga helaayo qirsho oo uqiro nidaada nabiga iyo in uu yahay Nabiga ugu dambeeyay.
3. Malaa'ikta: waa in uu aqoon buuxdo uyeeshaa Malaa'ikta iyo in ay yihiin makhluuq Allah abuuray kana abuuray nuur ( iftiin ) , iyo in ay san caasinin Allah siduu Allah ku sheegay surada (66 al- taxriim ayada 06 ) Allah waxaa uu yirii " macaasiyaan wixii lafaro samayntoo wayna sameyaan wixii lafaroo " . Waxaa kaloo ka mid ah aqoonta Laga raboo qofka muslimka ah in Malaa'ikta aysan jirin cid taqaan aqoonteeda iyo qaabka Allah u abuuray .
Waxaase jiraa qayb ka mid ah Malaa'ikta oo lagu sheegay qur'aanka iyo axaadiista , kuwaas wa waajib rumayn tooda iyaga iyo kuwa kalee aan la sheegin in tuba .
4. Kitaabka: waxaa ka mid ah wax yaalaha Laga raboo in uu aqoon uyeesho qofka muslimka ah dhammaan kutubtii Allah Soo dajiyay waa in aad ogtahay ood qirsan tahay , inta naloo sheegay iyo inta kalaboo waa waajib in aad ogaal dhab ah uleedaahy rumaysana sida Qur'aanka Kariimka ah.
5. Qiyaamah: waxaa ka mid ah wax yaalaha Laga raboo in uu aqoon uyeesho qofka Muslim ka ah in ay jirtoo maalin danbee oo la xisaabinaayo dhammaan adoomada Allah intui rumaysnayd iyo kuu aan rumaysnayn.
Waa waajib saaran qof walboo in uu aqoon u yeesho maalintaas iyo waxa sugaayo qof walboo .
6. Qadarta:adartu waa shay Allah qoray ay kuna xukuman yihiin dhammaan adoomada Allah , waajibna ay tahay in uu qofku aqoon uyeeeaho , rumeeyo , ku qancoo wixii ku dhacaa .
Gabogabo:Aqoonta islaamka waa shay Laga raboo cid walboo Muslim ah , kana dhigaysoo mid ka runsheego diinta iyo sharciga Allah .