Samirka iyo dulqaadka

Samirka iyo dulqaadka

 

Qeexida samirka( dulqaadka ) : waa in aad ku xanisoo naftaada daacada ilaahay  adoo rajaynaayo abaal- Marin in aad ku heshoo maalinta aaqiroo .

Waxaa uu eebbe ku sheegay qur'aanka kariimka ah  erayga samir (dulqaad ) 103 jeer , hadabo Marka aad fiirisoo tiradaan waxaa kusoo baxaysoo in samirku iyahay tilmaam uu eebbe (Allah )  jecel yahay cidii samaysana uu jeclaanaayo .

Qaybaha samirka : waxaa uu lee yahay samirka sida ay sheegeen culumada islaamka saddex qaybood oo ay Soo hoos galayaan qaybo badan oo cibaadada ka mid ah :
01aad : kusamrida cibaadada : in aad cibaadada ku samirtoo ood kusamirsiiso naftaada cibaadada laguugu wajib yeelay wa qaybta oogu muhiimsan samirka , hadaad u yeelan waydo dulqaad kugu Filan in aad samaysoo cibaadooyinka kala duwan waxaa xaqiiq ah in adaan kusamraynin wax kalee .

Tusaale : 

Soonku waxaa uu lee yahay gaajo iyo oon waa in aad ku samartaa , sakadu waxaa ay lee dahay culays iyo in uu damac ka galoo ama uu quuri waayo bixinteeda waa in lagu samraa , salaadu waxaa ay lee dahay culays lamid ah midka sakada iyo in uu fududaystoo salaada iyo in uu ku la tukadoo jamaacada masaajidda , xajku waxaa UU lee yahay safar iyo sahay qaadasho waa in uu qofku kusamraaa . Iyo dhammaan cibaadooyin ka kalee ee Nala amray samayntooda .

02aad kusamridda qadarta eebbee : waa in uu qofku kuraali noqdaa Kuna farxaaa Kuna samraa wax walboo ku dhocoo ama khayr ha noqdeen ama shar hanoqdeen , waa ayna ku adagtahay qofkii aan lahayn iimaan dhammaystiran oo ayna nuqsaan ku jirin , waana mida oogu badan ee ay kusoo aroortay sunnaha nabiga ( calayhi al-salaatu wassalaam ) .

03aad ka samridda waxa uu Allah xarrimay : qaybtaan waa qaybta oogu adag waana faraqa u dhexeeyo qofka iimaankiisu dhamayska Tiran yahay iyo kan uu naaquska yahay .
Hadabo in aad ka samartoo xumaha dhammaantood ayaa ah adoonnimada macneheeda dhabta ah .

Aqristee : In aad fahan mug leh ka haysatoo qaybahaan aan Soo sheegnay ayaa kaa dhigaysoo in aad naftaada dib ugu noqotoo si aad ooga saxdoo meelaha ay ka liidatoo oo ubaahan toosinta .

Hadabo si aad ubaratoo nadtaada iyo nooceeda aan kula wadaago wuxuu Allah ka yirii nafta iyo noocyadeeda ( jaad ) :

1. Naf xasiloon : wuxuu Allah ku sheegay surad Al-fajri ayaada 27aad  . Waana nafta qofka Allah rumeysan iimaankiisuna yahay mid xaqiiqo ah .

2. Naf dagaal badan : wuxuu Allah ku sheegay surad Al-qiyaamah aayada 2aad .
Waa mid dagaal badan oo kula dagaalantoo saaxiibkeed samaynta wanaaga ama samaynta xumaanta . 
Hadabo aayada micneheedu waxaa Laga dheehan karoo Marka ay kula dagaalantoo xumaha samayntooda in ay naftaan ka mid tahay kuwa eebbe agtiisa uugu qayrka badan , balsee hadii dhinaca kalee Laga fiiriyoo waxaa muuqanaysoo in ay noqotoo mid uusan eebbe jeclahyn waana Marka ay kula dagaalantoo wanaaga samayntiisa.

3. Naf xuma Farid badan :  waxaa uu eebbe ku sheegay surada yuusuf  aayada 53aad , naftaan waa mid Allah ka fog waxayna ku tilmaamantahay xumaha faridiisa iyo wax walboo Allah ka caroonaayo , waxayna saaxiibkeeda fartaa xumaha iyo sarta samayntooda .

Waana midda uu Allah ku sheegay meelo badan oo ka mid ah qur'aanka karika ah abaalka iyo waxa uu Allah oogu Tala galay maalinta qiyaamaha .

Allah waxaa uu ku sheegay suurad Al- nisaa aayada 56aad  : ( kuwa ku gaaloobay aayaadkeena waxaan kugubi donnaa naarta markastoo uu bislaado jirkoodu waxaan ubadalaynaa jir kalee SI ay u dhadhamiyaan cadaabta .

Gabogabo :  waxaan kusoo koobayaa maqaalkaan aan ooga hadlaayay samirka ( dulqaadka ) maahmaahyada oogu caansan somaalida qayb ka mid ah  oo ku saabsan samirka :
Samraa sadkii ma waayo .
Hanoqon ninkii boqolka somay ee baqtiga ku afuray .
Iimaan allaa uur buuxsho .

Waxaa qoray : Mohamed ismaaciil

Waxaad kaloo nagala socon kartaa barteena youtub-ka ee aqoonta islaamka . 

                      Mahadsanid 

Previous Post Next Post