Waa maxay wax barsho ?

Waa maxay wax barsho ?

Wax barashada amaAqoontu waa saameeyaha oogu wayn ee maanta lataaban karo  kaas oo qayb lixaad leh ka qaato hab-fakarka iyo hab-dhaqanka bulshada .

Aqoontu waa shayga lagu garto  in ay bulshada ay lee dahay mustaqbal wanaagsan mid dhaw iyo mid dheer intuba .  Waana shay ka tour jumaayo maan-haga bulshooyinka .

Aqoontu waa in dhaha bulshada waana shay xanbaaro umada diinteeda , dhaqankeeda , caqligeeda , iyo hormarka ay samaynayso .

(Aqoontu waa ilays iyo iftiin aan la qarin Karin ).

Qaybaha wax barashada

Wax barashada waxaa ay ka koobantahay  qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

1. **Dugsiyada iyo Jaamacadaha:** Qaybaha ugu horeeya  ee wax barashada waxaa ka mid ah   dugsiyada iyo jaamacadaha. Waxa ayna bixiyaan sanndo wax barsho oo kala sareeyo iyadoo la raacaayo qorshe Dagan oo ku salaysan billooyin iyo sannado  ku waas oo loo badalaayo fasallo wax barasho oo loo yaqaano (wax barashada tooska ah).

2. **Adeegyada Online:**  qaybtaan waxaa lagay yabaa in ay ku cusubtahay meelaha qaar , balse waa mid la mid ah tii aan horay usoo sheegnay  iyo ay jirtoo in meelaha qaar ay ka fiican tahay Marka Laga hadlaayo dhanka waqtiga iyo beekhaamintiisa .

Adeegsiga online-ka waa shay saamayn muuqato ku leh dhammaan duinida maanta iyo casrigaan , waxaadna modaa in hada loo guuraayo hab online ah .

3. **Waxbarashada dadban :** waxaa kamid ah qaybtaan tababarada , muxaadarooyinka , dhagaysiga cajaladaha  , iyo la saaxiibida culimada iyo dadka aqoonta leh .

Ku dhowaad, qaybo kasta oo wax barashada waxay ku saabsan yihiin horumarinta qofka si uu u hirgeliyo xagga aqoonta iyo shaqooyinka.

Qaabka oogu fudud ee wax lagu barato waxaa ka mid ah :

1. **Barashada wax qorista :** wax qoristu waxay ka mid tahay noocyada ugu muhiimsan ee  wax barashada, waana bilowga wax barista , waxaa ayna sahlaysaa in uu awood uyeesho qofka  Akhris, hinkaada , isku xirka erayada iyo wixii la mid ah .
Barashada qoraalka waa iridda Laga Galo wax barshada nooc yaheeda kala duwan .

2. **Aqriska :** wax aqrisku waa qadobka labaad EE wax lagu bartoo , waana shay aan la dhayalsan Karin saamayntiisa dhanka wax barshada Marka lafiiriyo .
Hadabo waa In uu qofku yeesho caado wax aqris , waana bilowga guusha wax barashadiisa .
Wax aqrisku waa shay caado ( dhaqan ) u ahaa dadka heerka saree ka gaaray wax barashada qaybeheeda kala duwan .

3. **Xasuus qor:** waa in uu xasuus kala haraa wixii uu aqriyay ama UU Soo daalacday , taas waxaa ay ku imaanaysaa in aad fahan san tahay qaababka wax loo aqriyoo :

1. In aad dooratoo wax aad xiisaynaysoo  ama aad niyad iyo rabitaan uhayso .
Waa up kaaga duwan yahay Marka aad aqrinaysoo waduuc aad jeceshahay iyo mid aanad jeclahyn .

2. In aad hesho wax ku dhiiri galiyoo , kaana caawiyo in ay caado kuu noqotoo wax aqriska iyo daalacashada buugaagta , sida saaxiibka wanaagsan .

3. In aad dooratoo jawig Dagan oo kaa caawinayso in aad si Dagan wax u aqrisoo , sidoo kalee xiligaan oo kalee waxaa lagaa rabaa in aad ka dheraato wax walboo kaa mshquulinaayo wax aqriska .

4. Qaado waqti aad ku nasatoo si aad awood oogu yeelato in aad wax aqriska naftaada bartoo . Taas waxaa ay kuugu suurtoobi kartaa in aad qoondayso oo jadwal usamayso xiliyada AAD u cayintay in aad wax aqrisoo .

Oogudanbayn : waxaan maqalkaan oogu talagalay in aan wax oogu iftiimiyoo dhammaan inta jecel wax barashada , Lana leh xiriirka .

Waxaa qoray : Mohamed Ismail
Waxaad kaloo nagala socon kartaa barteena YouTube-ka :  https://www.youtube.com/@Aqoontaislaamka



Previous Post Next Post