Qur’aanka kariimka ahi waa kitaabka barakaysan ee Islaamka, waana hadalkii eebbee (SW) ee uu ku soo dejiyay Nebi Muxamed (NNKH) ee Nabiyada iyo Rususha oogu dambeeyay, isagoo u soo dhiibay Jibriil, naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.
Waxaa uu ka kooban yahay 114 suuradood (cutubyo) oo xanbaarsan awaamiir, shuruuc iyo akhlaaqda Rabbaaniga ah ee bani-aadmiga, waana shay tilmaan u ah muslimiinta dhammaan dhinacyada nolosha diinta iyo macaamilka maalinlaha ah.
Qur’aanka kariimka Waa hagaha Muslimiinta dhammaan dhinacyada nolosha diiniga ah iyo tan aduunyada in tuba,sida kala iibsiga, guurka, dacwadaha, iyo dhammaan arrimaha sida maalin laha ah udhaca.
Hadabo Qur’aanka kariimka ahi waxaa uu saamayn weyn ku leeyahay nolosha Muslimiinta, marka la fiiriyoo akhrintiisa , barshada macnihiisa , ku dhaqanka axkaamtiisa, iyo dhuuxidda fariimaha uu xanbaarsan yahay intuba.
Qur’aanka kariimka ah waxa uu ka kooban yahay duruus iyo casharro aad ubadan oo nadiifiyo nafta, xikmadna u kordhiyo ciddii rumayso oo raacdo , kana yeelatoo wehel.
Waana tan eebbe(SW) uu lee yahay :'ciddii raacdo hanuunkayga mana dhumayso mana halaagsamaysoo'', tani waa sababta uu eebbe (SW) ooga dhiga mid nahaga ilaaliyana nolasheena aduun iyo tan aakhirabo.
Sidoo kalee Qur’aanku waa muraayadda nolasha dadka muslimiinta ah, waana wax yigii eebbee (SW)oogu talagalay in laraaco Loona dhuuxo macnihiisa si qoto dheer.
Fikradaha Qur’aanka:
Towxiidka:
Qur’aanka kariimka ahi waxa uu si cad u iftiimiyey fikradda towxiidka, isaga oo ku boorrinaya cibaadada Eebbe kaligiis oo aan wehel la wadaagin, isla markaana diiday shirkiga iyo sanam caabudidda.
Naxariista iyo dhimrinta:
Qur’aanku waxa uu ku baaqayaa ku-dhaqanka u naxariisashada uunka, waxaanu dhiiri-gelinayaa wax walboo keeni karaa isu dabacsanaan iyo isu turid.
Cadaalada iyo sinaanta:
Qur’aanku waxa uu ku booriyay farayaana muslimiinta ku dhaqanka cadaalada iyo garsoorka arimaha oo dhan, waxa uuna reebay cadaalad darada iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka kale.
Dulqaadka iyo adkaysiga:
Qur’aanku waxa uu ina barayaa muhiimadda ay leedahay sabirka iyo udulqaadashada imtixaannada iyo dhibaatooyinka Soo wa jahaya nolasha, waxa uunu dhiirigelinayaa in qofka muslimka ahi ku ay lawaynaato abaal-marinta eebbe agtiisa taal.
Waxaa uu eebbe(SW) yirii asagoo samirka ka hadlaayo :''waxaan u oofin donnaa(siindonaa) kuwa kusamray aduunka ajarkooda oon loo xisaabinaynin''.
Sayniska iyo Barashada:
Qur’aanku waxa uu ku booriyey muslimiinta raadinta cilmiga iyo horumarka joogtada ah, waxa uunu barayaa muhiimadda cilmigu u leeyahay iyo in la gaadho horumar iyo barwaaqo ku salaysan cilmi.
Cafiska iyo saamaxaadda:
Qur’aanku waxa uu meelo badan ku qeexay Kuna cadeeyay cafiska iyo samaxaada ay isasaamaxaan dhamaan muslimiinta , waana sifo uu ilaahay raali ka yahay , waxaa ayna keenaysaa in ay muslimiintu midoobaan xoogoodana mideeyaan.
Faafinta diinta islaamka:
Qur’aanka Kariimka ahi waxa uu aad u dhiirigeliyay dadka loogu yeedho wanaaga iyo islaamnimada, waxaanu u arkaa ugu yeedhida dariiqa Alle inay tahay waajib saaran qof kasta oo Muslim ah , iyadoo la racaayo qaab xikmad iyo dhimrin ku jirtoo.
Kuwani waa qaar ka mid ah fikradaha ugu waaweyn ee uu xambaarsan yahay Qur’aanka Kariimka ah, kuwaas oo ka tarjumaya farriintiisa ugu sarraysa ee ku toosinaysa aadannaha xagga wanaagga iyo farxadda adduun iyo aakhiro.
Xeerka Qur’aanka:
Xeerarka Qur’aanka Kariimka ahi aad bay u badan yihiin, waxaana ka mid ah sharciyo iyo awaamiir kala duwan oo nidaamiya nolosha qof ahaaneed iyo tan bulsho ee Muslimiinta.
Marka Si mugleh loo eego aayadaha Qur’aanka waxaa jiraa aayadoo badan oo uu eebbe(SW) ku sheegay xeerarka kitaabkiisa iyo dajinta nolasha dhabta ah ee Laga raboo qofka muslimka ah ee rumaysan diinta islaamka .
Waxaan kula wadaagayaa dhawr aayadood oo soo koobaayo qayb ka mid ah xeerarka uu eebbe(SW) noo dajiyay.
Aayadda 1aad:
لَّيْسَ ٱلْبِرَّ أَن تُوَلُّوا۟ وُجُوهَكُمْ قِبَلَ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ وَلَـٰكِنَّ ٱلْبِرَّ مَنْ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْءَاخِرِ وَٱلْمَلَـٰٓئِكَةِ وَٱلْكِتَـٰبِ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ وَءَاتَى ٱلْمَالَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ ذَوِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينَ وَٱبْنَ ٱلسَّبِيلِ وَٱلسَّآئِلِينَ وَفِى ٱلرِّقَابِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلْمُوفُونَ بِعَهْدِهِمْ إِذَا عَـٰهَدُوا۟ ۖ وَٱلصَّـٰبِرِينَ فِى ٱلْبَأْسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَحِينَ ٱلْبَأْسِ ۗ أُولَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ صَدَقُوا۟ ۖ وَأُولَـٰٓئِكَ
هُمُ ٱلْمُتَّقُونَ ."(سورة البقرة _ ١٧٧)
(Suuradda Al-baqarah, aayadda 177).
''Aayadda sharafta leh waxay tilmaamtay in xaqnimadu tahay rumaynta Eebbe, maalinta aakhiro, malaa’igta, kitaabka, iyo nabiyada, iyo bixinta xoolaha jacaylka Eebbe dartii , oo lasiiyo qaraabada, agoonta, masaakiinta, musaafirka, kuwa tuugsada, iyo xoraynta addoomada. Iyo sidoo kalee oogidda salaadda, bixinta sakada, oofinta ballanka markay ku ballamaan, iyo inay u sabraan dhibka, Kuwaasi waa dad daacad ah oo is ilaaliyoo rabigoodna ka baqa.
Aayadda 2aad:
"إِنَّا أَنزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِنْ كِتَابِ اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ ۚ فَلَا تَخْشَوُا النَّاسَ وَاخْشَوْنِ ۖ وَلَا تَشْتَرُوا بِآيَاتِي ثَمَنًا قَلِيلًا ۚ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ."(سورة المائدة _ ٤٤).
(Suuradda Al-maaidda, aayadda 44).
Waxaan soo dejinay kitaabka Tawreed oo hanuun iyo Nuur ku sugan yahay, ayna ku xukumaan nebiyadii u hogaansamay diinta Yuhuuda, iyo culimaa’udiinkii, maxaa yeelay waxay xifdiyeen kitaabka Eebbe, markhaatina uga ahaayeen. Ee ha ka cabsanina dadka, ee anigana iga cabsada, hana ku bedalina aayaadkayga qiimo yar, ruuxaan wax ku xukumin wuxuu soo dejiyey Eebe kuwaasu waa gaalad.
Aayadda 3aad:
"وَعِبَادُ الرَّحْمَـٰنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا"(سورة الفرقان _ ٦٣)
(Suuradda Al-Furqaan, aayadda 63).
Aayaddani waxa ay tilmaamaysaa hab-dhaqanka bulsho ee la wanaajiyey, taas oo rumaystayaasha loogu baaqayo inay u dhaqmaan saaxiibtinimo iyo is-hoosaysiin marka ay la macaamilayaan dadka kale, xitaa marka ay la hadlayaan kuwa aanay garanayn ama aan u naxariisan.
Aayadda 4aad:
"وَاحْسَنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ وَلَا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الْأَرْضِ"
(Suuradda Al-qasas, aayadda 63).
Aayaddani waxay ku baaqaysaa in wanaagga la falo, dadkana loo naxariisto, si loogu abaal-mariyo naxariista Eebbe ugu deeqay dadka. Waxay ku boorinaysaa in aan dhulka fasaadka iyo xumaanta lagu raadin, balse la iska dul qaado oo wanaagga iyo nabadda la faafiyo.