Soonka iyo faa'iidooyinkiisa :

Soonka iyo faa'iidooyinkiisa :

 Inta aanan u gudbin soonka iyo waxtarka uu ulee yahay qofka Islaamka ah waxa xusid mudan in soonkua lee yahay waajib iyo sunno sidoo kalee waxaa loo qaybiyaa mid banaaan iyo mid aan banaanayn.

1. Kan waajibka ah waa : bisha Ramadan , nadarka ,( shardi ) kafaaradda( ganaaxa ).

2. Kan sunnada ah waa wixii intaa horee kasoo haray .

3. Soonka banana waxaa Soo hoos galaysoo kan waajibka ah iyo kan sunnada ah intuba waana shay lawada og yahay.

4. Soonka aydiintu xarimtay waa sida : maal-maha ciidda, maalinka jimcaha ama sabtida kaligeed ooysan sabab lasocon gaar ah la xidhiidhin.Iyo Kuwa kaloo badan.

Intaa kadib soonka waxaa  uu qofka muslimka ah u leeyahay faa’iidooyin badan, kuwaas oo aan la xidhiidhin caafimaadka oo keliya balse la xidhiidha xagga ruuxa iyo arrimaha bulshada. 
Waa kuwan qaar ka mid ah faa'iidooyinkaa

1.Udhawaanshaha Alle: Soonku waa fursad kor loogu qaadayo xidhiidhka ruuxiga ah iyo in Alle loogu dhawaado iyadoo laga fogaanayo cuntada iyo cabitaanka maalintii.

2.Nadiifinta nafta iyo niyada: Soonku waxa uu caawiyaa wanaajinta awoodda xakamaynta rabitaannada iyo xoojinta niyadda, taas oo kor u qaada anshaxa nafta.

3.U naxariisashada masaakiinta: Soonku waxa uu xasuusiyaa dadka muslimiinta ah xaaladaha fuqarada iyo arrimaha bulshada, wuxuuna dhiirigeliyaa wax bixinta iyo u gargaarida masaakiinta.

4.Kobcinta samirka iyo dulqaadka: Soonka waxaa lagu tiriyaa in uu yahay tababar ku saabsan dulqaadka, taasoo faa'iido u leh nolosha qofka iyo bulshada.

Fg: Fikirka culimada islaamka ee ku saabsan soonka ayaa ah mid muhiimad weyn leh, waxayna sharraxaad badan ka bixiyeen oo ay si qoto dheer u fahmeen doorka uu ku leeyahay nolosha diinta iyo tan ruuxiga ah.

  Waa kuwan odhaahyo xusid mudan:
“Soonku waxa uu ina barayaa samirka iyo is-xakamaynta, wuxuuna noqon karaa mid lagu nadiifiyo qalbiga iyo nafta.

“Soonka waxa lagu tiriyaa daawaynta jidhka iyo nafta, sidoo kalee waxa uu  kordhiyaa u adkaysiga dhibaatooyinka.

“Soonku waxa uu caawiyaa nadiifinta nafta, ka fakar nolosha, iyo ka fogaanshaha naftaada adduunka”.

“Soonku maaha oo kaliya in laga fogaado cunnada iyo cabbitaanka, balse waa ka fogaansho wax kasta oo xun oo nafta  waxyeelleeyo.

  “Soonku waxa uu kordhiyaa iimaanka,waxana uu wanaajiyaa quwadda ruuxiga ah,waxana uu noqon karaa mid loogu dhawaado Alle”.

  Sidoo kalee Soonku waxa uu leeyahay faa'iidooyin caafimaad oo aad ubadan oyna ka mid yihiin kuwaan:

*Hagaajinta dheefshiidka.
*Nadiifinta Jirka iyo kasaaridda sunta.
*Hagaajinta  kalastaroolka iyo sonkorta.
*Miisaan dhimista iyo baruurta oo lagubo.
*Caafimaadka wadnaha oo kor loo qaado.

Waxaa xusid mudan in dhakhaatiir badan ayaa tilmaameen in soonku uu lee yahay faa’iidooyin caafimaad haddii loo fuliyo si fayow oo dheellitiran.

Waa kuwan qaar ka mid ah fikradahooda:

  "Soonka joogtada ah wuxuu gacan ka geysan karaa hagaajinta shaqada jirka wuxuuna bixiyaa faa'iidooyin caafimaad."

"Soonka fudud ayaa saameyn togan ku yeelan kara caafimaadka guud, oo ay ku jirto kontoroolka heerka sonkorta dhiigga oo la wanaajiyey."

"Soonku waxa uu gacan ka gaysan karaa hagaajinta dareenka insulin-ka iyo in la yareeyo khatarta cudurrada daba dheeraada."

Gabogabo: Soonku faa’iidooyinka uu leeyahayna waxa ka mid ah nadiifinta jidhka iyo ka nadiifinta sunta, kor u qaadida caafimaadka guud, xoojinta niyadda iyo is-xakamaynta, waxa u dheer faa’iidooyinka ruuxiga ah sida kor u qaadida. u dhawaanshaha Ilaah iyo kor u qaadida edebta ruuxiga ah iyo fikirka.



Previous Post Next Post