Ramadan Mubarak !.
waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 su’aalood iyo jawaabo guud oo ku saabsan Soonka, anigoo Soo koobi doono jawaabta.
hadii ay jiraan su'aalo aad qabtoo waxaad noogu Soo dirii kartaa gmail-kaan aqoonta04@gmail.com
Su'aalaha iyo jawaabaha:
1-S: waa maxay Soonka Islaamka?J: Soonku waa in laga fogaado cunnada, cabbitaanka, galmada iyo rabitaanka galmada, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca, iyadoo la doonayo in la adeeco Eebbe weyne.
2. S: Waa maxay waajibaadka soonka?
J: Waajibaadka soonka waxaa ka mid ah: niyadda, ka fogaanshaha waxyaabaha soonka jabiya, iyo ilaalinta xubnaha sida: carrabka, aragga, maqalka, gacmaha iyo cagaha.
3. S: Maxaa daliil u ah waajibka soonka ee Qur’aanka Kariimka ah?
J: Eebbe kor ahaaye wuxuu yidhi:
“ Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajib yeelay Soonka sidii loogu waajib yeelay kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan” (Al-Baqarah: 183).
قال الله تعالى: "يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ" (البقرة: ١٨٣).
4-S: Sheeg Axaadiista Nabiga CSW ee tilmaamaya Waajibka Soonka?
J: Waxaa laga weriyey Abuu Hureyra inuu yiri: Rasuulku (scw) wuxuu yiri:- Ruuxii aan ka tagin hadalka beenta ah iyo ku-dhaqanka, Eebbe uma baahna inuu katago cunadiisa iyo cabitaankiisa” (Bukhaari)
عن أبي هريرة، قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: "من لم يدع قول الزور والعمل به، فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه" (البخاري).
Faalo: waana hadal digniin ah oo cabiraayo in ay waajib tahay in uu qofku ka soomo dhammaan wax walboo dhaawicii karoo soonkiisa.
5. S: Maxaa soonka jabiya?
J: Waxyaabaha soonka jabiya waxaa ka mid ah: cunista, cabbidda, galmada, iyo wax walboo Soo galaayo booska cunnada iyo cabitaanka,sida in qofku qaato cirbado awood siinaayo jidhka .
6. S: Ma u bannaan tahay qofka soomani inuu isticmaalo cadayga , sandaarsiga xilliga waysada, luqluqashada, dhadhaminta cuntada iyo wixii la mid ah?
J: Haa, way ubanaantahay intaabo balsee waxaa loo baahan yahay in uu si taxadar leh ku sameeyo intuba asagoo ka fogaanaayo in si ka dis ah ay dhuuntisa wax udhaafaan.
7. S: Dhiig bixintu ma soonka jabisaa?
J: Haa, dhiig bixintu waxaa ay kujirtaa fhawr mas'aloo oo culumadu isku qilaafeen laakiin marka aan fiirinoo hadalada culumada iyo qofka dhiiga ku deeqay naf ahaantiisa waa uu jabiyaa soonka.
Waxaa sidaa lamid ah qofka istooba, sabatuna waa in ay awoodoodu hoos udhacayso taasna waxay liddii ku tahay in uu tabar uheloo soonka.
8. S: Matagga soonka ma jabisaa?
J: mataga waxaa uu ku yimaadaa laboo qaab :-mid iskuu uyimaado oona qofku keenin , kan ma jabiyoo soonka , balsee hadii uu ku yimaado sabab ka timid qofka xagiisa waa uu ku jabayaa, markaana waxaa u ka mid noqonayaa mataga nocaan ah wax yaabaha soonka buriyoo.
Waxaa kaloo mas'alladaan lamid ah koroorka(honog) waa dhiiga san ka ka yimaado isagana ma jabinaayo soonka.
9. S: yuu ubanaan yahay in ay afuraan maalin Ramadan ?
J: sharcigu waxaa kamid ah dhimrintiisa in uu ubanneeyay qaybo dadka ka mid ah in ay afuraan maalin Ramadan waana labo qaybood :
1. Qayb aan qaloo lagu lahayn .
waxaa ay lee yihiin cudurdaar sharci ah, balse aan awoodin inay dib u soo kabaan maalmihi la rabay inay soomaan waqti dambe. Xaaladdooda caafimaad ama arrimo kale oo haystoo owgeed, haddii ay sidaas tahay, waxay bixin karaan fidya beddelka soonka, waxaa ayna quudiyaan qof miskiin ah maalin kasta oo soonka ay awoodi waayeen inay soomaan.
2.qayb Soo qalaynaysoo intii ay afureen.
waxaa ay lee yihiin cudurdaar sharci ah,sida safarka, xanuun la rajaynaayo in ay ka bogsadaan, balse awoodo inay dib u soo kabaan maalmihi ay afureen.
10. S: Ma u bannaan tahay haweeneyda uurka leh ama naaska nuujinaysa inay afuraan ?
J: Xukunka soonka bisha Ramadaan ee haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya waa kala duwan yihiin iyadoo loo eegayo xaaladaha caafimaad iyo xaaladda qofeed ee haweeney kasta, laakiin guud ahaan:
1. Mida uurka leh: Haddii soonku uu khatar ku yahay caafimaadka hooyada uurka leh , sida daal badan ama xanuun ku yimaado, waxaa u bannaan inay afurto oo maalmaha ay afurto ka qalayso waqti dambe. waqti ka dib dhalmada iyo nasashada nafteeda.
2. Mida naaska nuujinayso canug :
Haddii soonku uu waxyeeleeyo awoodda haweenayda nuujinaysa ilamaheeda ama ay wax u dhimayso caafimaadkeeda ama caafimaadka ilmaha, waxaa u bannaan inay afurto oo ay dib ka soonto maalmihii ay afurtay.
Fg: Waxaa dhici karta in culimada ay ku kala aragti duwanaadaan xaaladaha qaarkood, haweeneyda uurka leh ama mida naaska nuujinaysa waa in ay la tashato dhaqtarkeeda oo ay la tashato culimadeeda si loo ogaado in soonka uu ku habboon yahay iyada oo ku jirta xaaladdeeda gaarka ah.